Sawirro: Ciidamada laanta ilaalinta canshuuraha ee gobalada Nugaal iyo Sool oo tababar loo furay

3b5b

15 June 2021 (Puntlandes) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdi Ibraahim Waraame (Qawdhan) iyo taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Caydiid Axmed Nuur ayaa maanta xarunta taliska guud ee ciidamada Booliska tababar uga furay ciidamada laanta ilaalinta canshuuraha ee gobalada Nugaal iyo Sool oo dhawaan tababar kusoo qaatay xerada tababarka ciidamada xorgoble ee degmada Qardho.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay hogaanada laanta ilaalinta canshuuraha iyo tababarada booliska, taliyayaasha qaybaha gobalada Nugaal iyo Sool, agaasimaha waaxda kastamada, Xisaabiyaha gobalka Nugaal iyo maamulaha canshuuraha beriga iyo saraakiil kale.

Taliye ku-xigeenka Booliska ayaa ciidamada tababarku u furmay kula dardaarmay inay waajibaadkooda si wanaagsan u gutaan, kana faaidaystaan aqoon kororsiga u furmay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo si rasmi ah tababarka u furay ayaa ciidamada kula dardaarmay inay wax badan kusoo kordhiyaan kor u qaadista dakhliga, xushmeeyaan dadka canshuur bixiyayaasha, wuxuuna balan qaaday in wasaaradu ilaalin doonto ka war qabka ciidanka iyo daryeelkooda.


Puntlandes.com

About The Author