Qaxooti soo gaaray magaalada bosaso

21 June 2021 (Puntlandes) Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa xalay soo gaaray Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in dekedda Bosaso ay xalay soo gaareen, dadkan oo ka kooban Qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo noqday.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ,ayaa dekedda ku soo dhoweeyay dadkan oo gaaraya 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween, waxaana loo gudbiyay Xarunta qaabiladda Qaxootiga ee Bosaso.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa magaalada Bosaso ku soo qul-qulayay Qaxooti Yemeniyiin ah  iyo dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaadda ka jirta dalkaasi Yemen.

About The Author