Masuiliyiin Puntland ah oo Miino jidka loo geliyey
26 June 2021 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadiid kolonyo ah oo ay wateen wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland.
Wefdigaan oo ka ambabaxay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari ayaa jida loo geliyay laba qarax oo nooca miinada loo yaqaan ah waxaana ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac.
Hal askari oo ka tirsan ciidamada ayaa ku dhintay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo dhaawacyadooda loo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso.
Sidoo kale, waxa qaraxa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta Puntland oo dhammaantood ka badbaaday qaraxaas.
Wefdiga waxa kamid ahaa wasiirka amniga Puntland Cabdimsamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.