Gaalkacyo: Dawladda Puntland oo dil toogasho ku fulisay 21 xubnood
27 June 2021 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ku fulisay 18 xubnood oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Ashabaab kuwaas oo magaalada Gaalkacyo waxgaradkeeda ku dilayey muddo 13 sano ah.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu toogtay 18 kii nin ee Alshabaab ka ahaa kuwasoo dhawaan Maxkabada Sare ee Ciidmadu xukun ku riday, waana tiradii alshabaab ugu badnayd oo Soomaalia halmeel ah lagu wada toogto.
Dhanka kale caasimadda Garowe ayaa waxa saaka lagu toogtay 2 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay 1 xubin oo Shabaab ah.
Isugayn saaka waxay dawladda Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsana Alshabaab oo ay maxkamadi dil toogashoa ha ku xukuntay.
Puntlandes.com