Sawirro-Muuqaal: Munaasabadda 1-da August darteed Madaxweyne Deni oo Abaalmarin guddoonsiiyay Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, Guddiga Dhismaha ee Dekadda Garacad iyo Shirkadda TTN

03 Aug 2021 (Puntlandes) Munaasabadda 1-da August darteed Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu Abaalmarin guddoonsiiyay Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, Guddiga Dhismaha ee Dekadda Garacad iyo Shirkadda TTN oo ka qeyb qaadatay dhismaha Dekadda Garacad iyo dhismeyaasha lagu kordhiyay Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Guddiyada dhismaha ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo iyo Dekadda Garacad dadaalkii iyo sida ay ugu dhabar adeygeen in mashaariicdaasi guuleystaan, waana labo Mashruuc oo noocooda ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga hirgeliyo iyadoo la isku tashanayo Dowlad iyo Shacab.



Puntlandes.com

About The Author