Sawirro-Muuqaal: Hadaljeedintii uu ka jeediyey Barlamaanka Puntland Xil Maxamud Nur oo katirsan Baarlamaanka Minnesota Maraykanka

03 Aug 2021 (Puntlandes) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdiaziz Cabdullahi Cisman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad.

Fadhiga maanta ayaa waxaa Golaha Wakiillada hor-yimid Maxamuud Nuur, Xildhibaan Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Xil. Maxamuud Nuur ayaa khubad dheer oo uu u jeediyey Golaha Wakiillada DPL waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Baarlamaanada Puntland iyo Minnesota, isaga oo xusay inay ka shaqeynayaan sidii qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Mareykanka maal-gashi ugu sameyn lahaayeen dalka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Avv: Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Xildhibaanka booqashada uu ku yimi Aqalka Wakiillada isaga oo xusay inay muhiimada siinayaan wada-shaqeynta labada Baarlamaan.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ayaa ku war-geliyey Xildhibaanada in Golaha fasax sii ahaan doono illa inta laga soo gudbinayo liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.



Puntlandes.com

About The Author