Guddiga Dawladdu u saartay Baaritaanka Qaraxii ka dhacay Garowe laysku khilaafsanyahay

Guddiga UN-ka u Qaabilsan Baaritaanka Qaraxii  Ka dhacay Garowe oo kasoo horjeestay Guddiga Dawladda Puntland Dhankeeda u magacawday waxayna sheegeen inay ka maqanyihiin Godoomiyaha Gobolka, Taliyaha Qaybta iyo Madaxa Sirdoonka Puntlnad ee Hay’adda PIA.

Madaxdan ayaa Halbowle u ahaa Baaritaanka maadama ay iyagu hayaan Kiisaska Dambiyada Aqoona u leeyihiin Arimaha Baaritaanka waxayna sheegeen in dibloogu noqdo hadii Puntland ay dhab ka tahay Baaritaankaan in Natiija sax ah laga gaaro.

Mana jidho wali Wax Natiija ah oo Puntland ka gaadhay baaritaankii waxaana loo aanaynayaa inuu shaacinta natiijada dib u dhigtay ismaandhaafka ka dhex jira Guddiga UN-ka iyo Puntland, iskusoo wada duuboo lama garanayo in Puntland badali doonto gudiga ka socda dhankeeda iyo in kale.

Puntlandes.com

About The Author