Shirka Cadaado oo hawshiisii Gudagalay iyo madaxwyne Gaas oo iska Aamusan!

Magaalada Cadaado waxaa ka socda shir uu ka furay 16 kii abriil 2015 madaxweynaha DFS Xasan Sheekh isagoo si cad u sheegay in uu maamul u samaynayo labada Gobol ee kale ah Mudug iyo Galgaduud, isagoon haba yaraatee aan magacaabin in qayb ka mid ah Gobolka Mudug ay ka tirsan tahay Puntland.

Sida la wada ogsoon yahay Waqooyiga Gobolka Mudug (Degmooyinka Gaalkacyo, Jariiban iyo Galdagob) wuxuu ka tirsan yahay Puntland ilaa iyo aasaaskeedii Qodob ka mid ah Dastuurka KG ee Federaalkana wuxuu cadaynayaa in ay xubin buuxda oo ka mid ah Federaalka Soomaaliya ay tahay Puntland iyadoo Xuduudeenu ay tahay tii lagu aasaasay 1998.

Dastuurkaas waa uu jabiyey Madaxweynaha Villa Wardhiiglley, laakiin waxaa isaga kas ii daran madaxweynihii loo dhaarshay ilaalinta Puntland uu raali uga yahay maxaa yeelay ma aamusnaadeen ilaa iyo 16 kii bishan.

Xataa waxay ka hadliwaayeen markii uu madaxweyne Xasan 17 kii abriil lahaa waxaa ka soo baxaysa Cadaado dawlad buuxisay Sharuudihii Dastuurka oo ahayd laba Gobol iyo wixii ka badan, Cajiib!

Ma saas bay ku qaateen Gobolka Mudug xasan iyo Xertiisa?

Puntlandes.com

About The Author