Fadeexad-XOG: Madaxweyne Gaas Oo Baddii Puntland ku Wareejiyay Ina adeerkiis Iyo Shirkado Maafiya ah!!

2028
Abdiwali Cali Taar Maamulihii Shirkadii Hart-Group

 

Waa Fadeexad Iyo Qabyaalad barax tiran in Maanta Baddii Puntland lagu wareejiyo Ganacsade  Abdiwali Cali Taar, Oo ay Jifo Hoose yihiin Madaxweynaha Puntland.

Ninka Badda Puntland Maanta lagu wareejiyay Waxa uu ahaa Ninkii Maamulayay Shirkadii Hart-Group ee Maafiyada ahayd. Shirkadaasi waxay Badda Puntland ku shubtay Qashinka Nuclear ah Iyo Qashinka Warshadaha Iyo Isbitaalada ka soo hara.

Waxaa Yaabka Iyo Suaalaha ay Maanta Is-weydiinayaan Shacabka Puntland ah Qabyaalada Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, ugu Saxiixay Badda Puntland iney ilaaliyaan Shirkad uu wato Ina adeerkiis Abdiwali Ali Taar, Iyo Wiilal ku Jifo ah. Qandaraaska cusub ee Beenta ah ayaa lagu Mal dahay Qorshe Khatar ku ah Puntland kaasoo ah in Shirkadaha Maafiyada ee Iib geeya Qashinka Nuclear in la dilaalo loona fududeeyo sidii ay Badda Puntland ugu shubi lahaayeen Qashinka Sunta ah.

Sarkaal ka shaqeeya Wasaarada Kaluuneysiga oo si Hoose ugu waramay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegey in la Calaamadiyay Badda u Dhaxeysa Bossaso Ilaa Iyo Xaafuun in lagu Shubo Qashinka Sunta ah maadama Badda Cas ey dagan tahay isla markaana Beelaha Reer Bari aysan waxba ogeyn oo laga Fushan karo Danaha laga lee yahay Shirkadan.

2028a

 

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegey in Badda u Dhaxeysa Bossaso Ilaa Iyo Xaafuun lagu shubi doono Qashinka Sunta Nuclea Bil walba Shan Kun oo Tan Taasoo cel-Celis ku keeneysa Badda Baaxadeeda 90% Iney Aafowdo. Waxaa Iyana halis gali doona Kaluunka ay Cunaan Dadka Puntland maadama uu Kaluunkaas Calooshiisu Ka buuxdo Sunta Khatar ah. Isku Soo wada duub Qabyaalada Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas kusiiyay Qandaaraskan Halista ah ayaa keeni doonta Cawaaqib xumo Iyo Khatar ka dhalata Ba’ayda Badda Bari ee Puntland. Dadka Reer Bariga ee Iyagu Daawanaya Baddoodi oo la Sumeynayo.

 

Puntlandes.com

 

About The Author