Cali Dheere oo ku faanay Qaraxii Garowe iyo madaxweyne Gaas oo Daxiiskiisii sii wata!!

2027a

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay weerarkii Isniintii lagu qaaday gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey oo ku sugnaa Caasimada Puntland ee Garowe ayaa sheegay in Qaramada Midoobey aysan meelna ku bad baadin doonin.

Cali Dheere  ayaa yiri mar uu ka hadlayey Qaraxii lagu le’day ee Garowe “kuwa sheegta Qaramada Midoobey inta ay joogaan Soomaaliya kuma nabad galayaan, waxay dhadhamin doonaan rasaasteena”

Cali Dheere ayaa waxaa uu ka digay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ku sugnaadaan Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaateynta shacabka waa sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxii 20-kii bishan ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa lagu dilay qaar ka nid ah  shaqaalaha Hey’adda UNICEF, iyo kuwo Soomaali ah..

1996a

Ugu dambayntii waxaa lala yaaban yahay sababta madaxweynaha Puntland oo loo doortay mas’uuliyada ugu saraysa uu dalka ku iman waayey isagoo iska sii wata Dalxiiskii uu ku joogay dalka Itoobiyo. Madaxweyne Gaas ayaa sidii in aysanba qusayn falkii foosha xumaa ee ka dhacay Garowe waxa uu Tacsi ka soo diray Itoobiya.

Ma sanaanay noqotay mas’uuliyadii cuslayd ee loo dhiibtay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas? Shacabka reer Puntland ayaa waxay iminka ka joogaan Quus madaxtinimada Gaas.

Puntlandes.com

About The Author