Fadeexad: Madaxweyne Gaas oo Puntland Ciidamadeedii si xawli ah u baabi’inaya, Kuwii Badda oo maanta loo soo jeestay!

2029m

Waa Fadeexad, maamulxumo iyo qar iska xoor ah waxa uu ku dhaqaaqay maanta madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, isagoo Ciidankii Xooga badnaa ee Ciidanka Badda Puntland uu ka dul tilaabsaday booskoodiina ku tilmaamay Ciidanka Badda Puntland Malayshiyo ay hayb hoose wadaagaanGaas oo ay soo uruursadeen laba nin oo ay Gaas iski jufo yihiin.

2029l
Taliyaha Q Bari sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen iyo Abdiwali Cali Taar

 

Labadaa nin ayaa waxay kala yihiin Abdiwali Cali Taar  iyo Cabdixakiim Yuusuf Xuseen Oo ay Jifo Hoose yihiin Madaxweynaha Puntland ee Qabyaaladu dilootay. Labadan nin Badda Puntland Maanta lagu wareejiyay ayaa  Abdiwali Cali Taar  wuxuu ahaa Ninkii Maamulayay Shirkadii Hart-Group ee Maafiyada ahayd. Shirkadaasi waxay Badda Puntland ku shubtay Qashinka Nuclear ah Iyo Qashinka Warshadaha Iyo Isbitaalada ka soo hara. Ninka kale waxa uu iminka ku magaacan yahay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen. Labaatameeyada Malayshiyada ah oo la yiri waa Ciidan Badna waxaa soo uruuriryey labadooda waana Malaysiyo ay isku jifo yihiin sida Warbaahinta Puntlandes la soo gaarsiiyey.

Waxaa yaab ku noqotay shacabka reer Puntland ee samaha iyo dawladnimada jecel in Ciidankii badda ee Puntland ee aadka u qalabaysnaa shaqadoodii uu madaxweyne Gaas u dirto wiilaal ay isku jifo hoose yihiin!! CAJIIB

Madaxweyne Gaas ma wuxuu ku doodidoona waxaan u diiday Ciidankii Badda Puntland madaxweynihii hore ee Puntland Faroole ayaa aasaasay? Maxay tahay waxa uu Gaas shacabka Puntland u sheegidoono ? mise Puntalnd-ba wuxuu ka dhigay Shirkad Jifo leedahay?

Ma jiro miyaa Baarlamaan la xisaabtama Gaas mise siduu doonuu Puntland u geli karaa?

Hoos ka daawo sawirada Ciidan Badda Puntland iyo Malaysiyadii maanta la shaaciyey.

2029f

2029e

2029c

2029b

2029a

2029f

 

2029

2028b

2028

2029i

2029k

2028c

2029h

Puntlandes.com

 

About The Author