Somaliland oo mar sadexaad Qabsatay Degmada Taleex iyo Xukuumada Gaas oo aan wax jawaab ah ka bixin sidii la filayey

Degmada Taariikhiga ah ee Taleex waxaa Soo gaaray Ciidamo Farabadan oo ka mid ah kuwa Somaliland.

Ciidamadaan oo watah Gaadiid Farabadan oo ah kuwa dagaalka ayaa fariisimo ka samaystay  Daafaha Magaalada waa markii saddexaad oo ay yimaadan Degmada Taleex ciidama Somaliland tan iyo intii uu Xilka Qabtay Madaxweyne Gaas wax talaaba ahna kama Qaadin Puntland marka laga reebo Cambaarayn ay Idaacadaha u mariso.

 

Puntland wali kama hadlin Ciidamada Somaliland ee yimi Teleex iyo Dagaaladii ayaamahaan kasocday oo udhexayay Laba beelood oo ood wadaag ah.

 

Qabsashada Degmada Taleex oo 80km ujirtah Caasimadda Garowe iyo Aamusnaanta Puntland waxay u muuqataa inay tahay  masuuliyad daro ka muuqata Hogaanka Puntland iskusoo wada duuboo waxaa la dhowri doonaa in Puntland Talaabo Qaado iyo inay ku ikaato Cambaarayntii horay

puntlandes.com

About The Author