Deg deg-Dhagayso: Puntland iyo DFS oo isku fahmiwaayey qodobka mamulka Gobaladda dhexe

Garowe (Pes) Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka mid ah Baarlamaanka Puntland kana mid ah Guddiga wada hadalka u matalaya Puntland ee shirka wadatashiga arrimaha Soomaaliya ayaa goor dhawayd Radio Garowe u sheegay in shalay ilaa iyo iminka la isku mari la yahay qodob ka hadlaya mamulka gobaladda dhexe iyo sida uu noqonaya muuqaalkiisa iyo deegaanadda uu xukumayo.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbadiisii furitaanka kaga hadlay shirka mamulka, ayaa ka gaabsaday inuu cadeeyo gobaladda uu ka kooban yahay mamulka Cadaado lagu dhisayo. Wuxuuna ku koobay waa maamul ku meelgaar ah….

Madaxwayne Xasan ayaa si toos ah Cadaado uga sheegay in uu maamulka Cadaado ka kooban yahay Gobolada Mudug iyo Galgaduud, taasoo ayba sii dheeray magaalada Gaalkacyo oo uu siiyey Tolki iyo cabdiQaybdiid, halka uu hada diidan yahay in uu Cadeeyo.

Hlkan ka dhagayso Hadalka Xil Surcad


Puntlandes.com

About The Author