Faahfaahin Dhagayso: Ergadii Puntland iyo DFS oo ku kala kacay Shirka (mamulka G.dhexe)

Garowe (Pes) Wararkii ugu danbeeyay ee shirka ka socday magalada Garowe ee caasima Puntland ayaa lagu kala kacay, ka dib markii Puntland iyo DFS isku fahmi waayeen qodobka ka hadlaya mamulka loo samaynayo gobaladda dhexe iyo sida uu noqonayo.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka mid ah guddiga Puntland u matalaya shirka ayaa Warbaahinta u sheegay qodobkaasi in lagu isku haystay mudo shan saac ah, ayna markii danbe sababtay in lagu kala dareer.

Surcad waxa uu sheegay DFS inaysan wax cad la imaan shirka oo ay sheegayso in mamulkaasi uu yahay mid KMG ah , balse arrinta la isku diidan yahay ayaa ah mamulkaasi xagee ka talinayaa, sideesa loo cadaynayaa xuduudiisa.

Heshiiskii Puntland iyo xukumaddii dhacday ee Cabdiwali Shiikh Axmed ku galleen magalada Garowe sanadkii hore ayaa lagu sheegay mamulkaasi inuu ku kooban yahay Koonfur Gobalka Mudug iyo Galgaduud.

Labada xubnood ayaa dib shirar watashi ugala laabtay madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, waxaase la ogayn goorta ay dib isagu soo laaban doonaan.

Halkan ka dhagayso Waraysi ay lala yeelatay goor dhawayd Xildhibaan Surcad.


Puntlandes.com

About The Author