Dhageyso: Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland:”Dastuurkii lixda saxiix lahaa ayaa Dastuur noo ah”

Garowe (Pes) Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa maanta mar uu ka hadlayey furitaanka shirka DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah sheegay dowladda Puntland inay ku taagan tahay dastuurkii ay qalinka ku duugeen saxiixayaashii lixda ahaa ee Roadmapka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa soo dhoweeyay dhismaha Baarlamanka cusub ee Jubbaland, isagoo u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenadiisa dhawaan la doortay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa sheegay inay Maamulka Koonfur Galbeed ay u rajaynayaan inuu isaguna soo dhiso BaArlamankiisa.

Dhageyso Gudoomiyaha  Baarlamaanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author