Dhagayso: Cabdikariim Guuleed oo ka soo horjeestay War-murtiyeedkii ay Garowe ka soo saareen DFS iyo Dawlad Goboleedyada

Kaddib markii ay shalay ay magaalada Garowe War-murtiyeed afar geesood ah ku kala saxiixdeen Madaxweynaha DFS iyo madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo baxaya eedaymo loo jeedinayo heshiiskaas oo intooda badan ka imaanaya siyaasiyiinta Gobollada Dhexe iyagoo ku doodaya Mudugta Puntland naga BOOBAYNA.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, xilliganna ah murashax u taagan xilka madaxweynaha maamulka la doonayo in uu ka soo baxo Cadaado ee Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, ayaa ka hor yimid  qaar kamid ah qodobada heshiiska.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda BBC ayuu uga horyimid qodobka khuseeya Gobolka Mudug ee qeexaya in waqooyiga Mudug ka tirsan tahay Putland koonfurtiisuna raaci doonto maamulka gobollada dhexe.

“shirka waxan ku dhaliilayaa qodobka khuseeya maamul u sameynta gobollada dhexe…waxan u arkaa inuu yahay qodob kasoo horjeeda dastuurka, caqabadna ku ah maamul u sameynta gobollada dhexe…” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey sida ay isaga la tahay in xalku ku jiro, wuxuu ku jawaabey:

“xalka waxan u arkaa in dadka deggen waqooyiga gobolka Mudug iyaga rabitaankooda loo daayo, haddii iyagu rabaan inay kamid noqdaan maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galguduudna inaan la jujuubin”

Cabdikariim Guuleed  ayaa ka tirsan madaxda Ururka ka taliya Villa Somalia ee DAM JADIID oo uu ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaasna wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha DFS.

DFS iyo Gudigii ay magacaabeen waxay wali si sharcidaro ah u isticmaalayaan magaca Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Halkan ka dhagayso Cabdikariim Guuleed


Puntlandes.com

About The Author