Qadiyada Gobolka Mudug: “Gudineey Hadaan daabkaygu kugu oolin ima goyseen”

Ilaa iyo markii madaxweyne Xasan iyo Tolki ay Xaflada ku qabsadeen Villa Somalia 30 julay 2014 waxaa dhagaheenu maqlayen dad ka soo jeeda Koonfurta Mudug iyo Koonfurta Galgaduud oo mediyada kaga hanjabaya “Gobolka Mudug anagaa qaadanayna iyo waxay ugu yeeraan lama kal goyn karo Gobolka Mudug” ilaa ayba ka gaareen im ay ku qayliyaan Dastturka FKM ayaa la jabinayaa haddii ay Mugug wada raaciwaydo Galgaduud.

Gobolka Mudug

Gobolka Mudug hada ma qaybsamayee wuxuu qaybsamay 1991 kii waxaana qaybiyey USC uu ka tirsanaa Dagaal OOGE CabdiQaybdiid, Qaybta Waqooyiga, bariga iyo Galbeedka Gobolka Mudug waxaa ka talinayey jan 1991 kii ilaa iyo agoosto 2 dii 1998 Jamahadii SSDF. Agoosto 3 dii 1998 diina waxay wax dhidibada uga taageen dawlada Puntland laga soo bilaabo xiligaas ilaa iyo iminkana waxaa maamusha ayna ka tirsan yihiin Puntland.

Dawlada Puntland

Dawlada Puntland ee maamusha Gobolka Mudug waa dawladii ugu horaysay ee Xubin ka ah Federaalka Soomaaliya iyadaana Aabe iyo Hooyo u ah in laga hirgeliyo  Federaal Soomaaliya. waxay ka horaysay DFS ta uu Xasan Sheekh madaxda ka yahay iyadaana dhistay. Waxay leedahay Dastuur uu aqoonsan yahay dastuurka Federaalka. Waxaana ku cad dhulkeeda oo uu ka tirsan yahay Gobolka Mudug.

Mar wiilasha Xiiqsan oo u soo ruclaynaya isuna sheegay in ay qalin iyo sahal ku qaadan karaan Gobolka Mudug waaan leenahay “War hooy Ha isxiijinina Xooq iyo xeelad minda kuma qaadan kartaane”

Waxay taageerayaasha xasan Sheekh aan aad loola yaabaa marka marka ay ku Hadaaqaan “Haddii Gobolka Mudug la qaybiyo dastuurkaa la jabshay maxaa yeelay Gobol iyo bar dawlad ma noqon karo” KKKKK horta marka koowaad idinkoo Dastuur ku dhaqma yaa arkay? waa tan labaade oo yaa jabiyey Dastuurka aad ku Hadaaqaysaan ma idinka Gobol iyo barka la ordaya oo doonaya inay boobaan bar kale misa reer Puntland?”

23

 

Dagaal Ooge CabdiQaybdiid iyo ina adeerkiis Cabdikariim waa su’aale wax ma ka taqaaniin sharciga dawladnimada? oo haddaad ka taqaanaan ma ku doodi lahaydeen Dhul iyo shacab hoos yimaada dawlad dhan in aad idinkoo indho Cadaynaya dhahdaan dawladaasi kama hadli karto oo dadkaa go’aan ka gaaraya meeshay raacayaan!!!!!! Waxay ku doodayaan in ay tixraacayaan qodob Dastuurka FKM ka mid ah oo oranaya waxaa dawlad goboleed wada dhisayaya dad ku nool laba gobol iyo wixii ka badan oo “rabitaankooda isku raacay” adeer aan ku barnee waxay taasi qusaysaa meel aan dawladi ka jirin sida dhulkaaga iyo Hiiran iyo sh. Dhexe ee ma qusayso Puntland iyo meel 17 sano dawladi ka dhisnayd!!!!

Madaxweyne Gaas

2020

Qadiyada Gobolka Mudug iyo in maanta uu Muran galo waxaa keenay madaxweyne Gaas iyo JILICSANAANTIISA, waxaan halkan aad ugu haboon halhayskii Murtida Xambaarsanaa ee ku saabsanaa Geed la jarayey oo la hadlay Gudintii lagu goynayey wuxuuna yiri “Gudineey Hadaan daabkaygu kugu oolin ima goyseen” waxaan ula jeedaa haddii uu madax ka ahaan lahaa nimaan Gaas ahayn Puntland sidaani marn am adhacdeen!!

 Shacabka Gobolka Mudug

Shacabka Gobolka Mudug waa in ay u istaagaan siday ku difaacan lahaayeen Dhulkooda, waa in COD DHEER BEESHA CAALAMKA UGU SHEEGAAN IN AYSAN RAALI KA AHAYN BOOBKA kooxdan isbahaysatay. Ogaada aamusnaantiina Beesha caalamka oo madaxweyne Xasan Qaldan waxay u qaadanaysaa in aad raali ka tihiin in “Suubis la idin kaga dhiga cadaado” waa inaad cod dheer ku muujisaan rabitaankiina. Waa in Codkiina laga maqlaa New York Xarunta UN ka, waa inaad Amb Key Runta u sheegtaan.

W/Q Waxgarad reer Nudug ah

Puntlandes.com

About The Author