XOG-BAAQ: Xageey ku baxdaa Canshuurta jogtada ee Gobolka Mudug qaybta Puntland?

Masuuliyadda iyo ammaanada bina,aadamka waa wax adag Ilaahayna) quraankiisa ku sheegay qofka masuul,ka noqda meel ama bulsho haba ugu yaraato 10 qof, ee masuuliyadaas maalinta khiyaamaha waa lawaydiinaya masuuliyadii uu u dhaartay iyo siduu uu ugu caddaalad sameyey bulshada uu masuuliyada u hayey iyo siduu iska ilaaliyey hantidii uu bulshada uga wakiilka ahaa.

Waxaa xilkii iska tagay ku xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo YacquubMaxamad waxay ku soo aaday xili lagu jiro marxalad adag siiba bulshada Gaalkacayo waxaa xilkii laga qaaday Guddomiyihii Tigay) Gobolka qaybtiisa Puntland

Waxaa Madxweyne Gaas magacaabay Guddoomiye kale laakiin ilaa hada aan la hayn Guddoomiyihii cusbaa)` waxaa Gobolka ka maqaan guddoomiye ku xigeenkii koobaad oo ku maqan dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay, muuqaalka goobaha bulshada ayaa aad u indha xun in kastoo nicmooyinka Alle) ay tahay hadana dayac ayaaka muuqda yaase u maqan Gaalkacayo?.

Magaaladda Gaalkacayo waxay ku jirtaa go,doon dhanka adeega bulshada waxaa xirmay oo biyo xireen dhamman goomihii bulshada ee dad waynaha ka dhaxaysay,

Waxa xiran oo meel loo maro an lahayn dhammaan xarumihii dadwaynaha sida

Xaruntii Bilyska (Booliska).
Xaruntii dawladda hoose
Xaruntii Gobolka.
Bankigii dhexe.
Suuqiii dadwaynaha.
Cisbitalkii guud.

Waddooyinkiii waaweynaa ee Magaaladda yaa gaalkacayo masuul ka ah maxaase lagu bixiyaa canshuurta masakiinta laga qaado haddii kuwa masuqmasuqa ku samaynaya bulshada aan adduunka lagula xisaabtamin waxaa jirta maalin qof walba uu la xisaabtami doono qofkii uu masuuliyada u dhiibtay,

Gaalkacayo qaybteeda Puntland waxaa maamul ka jiraa 17, waxaan xasuusta Gaalkacayo oo ah meesha ugu dhaqaalaha badan Puntland marka laga reebo Bosaaso oo leh Dakad), Gaalkacayo waa isla magaaladii laakiin waxaa curyaamiyey kuwo masuuliyad isku sheeega laakiin khayrul masuuliyiina),

Cisbitaalkii guud

Waxaa meel kasta Biyo ka fadhiyaan Cisbitaalkii Gaalkacayo ee ummadda waana masuuliyad xumo weyn in goobaha bulshada Siiba Cisbitaalku uusan lahayn meel Biyuhu ka baxaan iyo tuubooyin qaada biyaha kuna dara yamayska xitaa waxaa xirmay dayac darteed toobooyinkii Dawladdii dhexe samaysay ee biyuhu mari jireen,, dhaqaatiirtii) ayaa la,meel ay soo maraan bukaan jiifta cisbitaaalka arrintaas waxaa loo bahan yahay in shacabku ka gilgisho oo ay xisaabtamaan dadka xilalka ka haya Gaalkacayo,,

Qaybta Bilayska

Xarunta dhexe ee bilayska) oo ah muuqaalkii dawladnimo waxaa dhex fadhiya biyo uu keenay Roobkii ka da,ay Gaalkacayo meeday Dawladdii Gaalkacayo iyo Puntland waa maxay muuqaal xumadda ka muuqata xarumihii muhiimka ahaa? xaggee lagu bixiyey dhaqaalihii Gobolka? maxaa 17 sanno xarumaha dhaqaalaha shaqsiyaad u xiray yaa maamula Gobolka? Reer Gaalkacayo waa inay ka jawabaan s u ‘aalahaas

Suuqii Gaalkacayo

17

Waxaa goob baliya isku badashay xaruntii Suuqa gaalkacayo waxaana ishaadu qabanaysaa dadkii masaakiinta aha ee canshuurta laga aruursan jiray oo iska dhex fadhiya biyo iyo dhiiqo taasi waxay ceeb iyo fool xumo ku tahay kuwa masuuliyiinta isku sheegay ee canshuurta ka aruursada bulshada kadibna aan waxba ugu qaban waxaa xusud mudan haddii hooyada caanaha gada ay waydo waxay ku bixiso canshuurta loo caga juglaynaayo laakiin maxaa loogu qabtaa?..

Iskuulkii bulshada

Waxaa xirmay tacliintii Gaalkacayo kadib markii meel loo soo maro la waayey dayac iyo dacdaro darted taasi waxay caddaynaysaa maamul xumada ka jirta Gaalkacayo, qaybteeda Puntland iyo la xisaabtan la, aanta kuwa xilalka u haya bulshada ee noqday xil haye aan xisaab lahayn,,

Xaggee lagu bixiyaa Canshuurta dadwaynaha mar haddii xarumihii dadwaynaha saan yihiin?

Hantida dadweynaha Reer Gaalkacayo laga qaado ee canshuurta looga qaado xaggee lagu bixiya? Yaa qaata? miyaan ummadda loogu shaqayn maxaa xiray xarumihii ummadda loogu shaqayn jiray muxuu yahay dayaca intaas le,e gee ka muuqda Gaalkacayada Puntland meeyey maamulkii heer Dagmo heer Gobol iyo heer Dawladda dhexe..

Caanshuur ma ku baaqata dadka

Dadka waqooyiga Gaalkacay waa dadka ugu canshuur bixin badan hal shaqsi oo canshuur ku baaqato ma jirto dhamman bulshada qayba heeda kala duwaan waxaa canshuurta laga qaada Hooyada Caanaha gada iyo mida qudaarta ku gada jidadka waxaa laga qaada canshuurta kan biyaha dhammiya ee gaari gacan laha lo yaqaan waxaa canshuurta laga qaada qof kasta oo nololshiisa mareeya waxaana loo sheega in asaga wax loogu qabanaayo amankiisana lagu sugaayo jidad loogu samaynaayo laguna dayac tiraayo goobaha dad waynaha ka dhexeeya laakiin taasi waxay noqotay been…

Xarummaha dhaqaalaha ee Gobolka yey hoostagaan

Waxaa xarunta maaliyadda ay iska xiran tahay shaqsiyaad maleh xisaab xilkana lagama wareejiyo waa maxay sababtu waxaa kale oo ilaha dhaqaalaha Gobolka kamida Kastamada, Garoonka diyaaraddaha canshuurta biriga iyo canshuurta caadiga dhammaan waxaa ka soo xarooda dhaqaale baahi tiri karta Gobolka laakiin wa haddii ay ku socto isla xisaabtan.

Waxaase xaqiiqa in canshuurta dadwaynaha ay ku dhacdo shaqsiyaad noqday kuwo ku nool hantida dadweynaha oo aysan jirin cid la xisabtanta,,

Ugu dambayntiin waxaan baaq u diraya bulshada Reer gaalkacayo qaybtoota Puntland ee waqooyi

Masuuliyiinta Puntland ugu magacaaban Gaalkacayo waa inay xilka iska tagan waayo waxay ku fashilmeen inay bulshada wax u qabtaan xitta waxay samayn wayeen meel biyuhu ka baxaan waxay ku guul daraysteen amniga Gaalkacayo oo ah meesha ugu halista badan gobllada Puntland waa inay xilka iska tagaan sida uu yeelay ku xigeenka duqa oo kale,,

Bulshada waxaan leeyahay waxaad tihiin dad aad u jilicsan waayo waxaad awood u leedihiin inaad la xisaabtantaan kuwa idinku kor ciyaaraya ee idinku dul qamaaraya iska fura dabarka iyo seetata aad ugu jirtaan xilhaye aan lala xisaabtamo oo xalaal saday xoolihii dadwaynaha

Nin xilhayow  xasuusnow  xisaabta alle

21

Falanqeeye arrimaha bulshada
Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email: guuleed72@hotmail.com ama abdinuur02@gmail.com

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author