Shaqaalaha Puntland oo Qaylodhaani ka soo yeertay mushahaar la,aan awgeed “Dhagayso”.

0

Shaqaalaha Dowlada Puntland ayaa aad uga cawday mushahaar la,aan ku habsatay. Intii uu Dr Gaas xukunka hayey oo ah todoba bilood ayeysan helin sahaqaalah Dowlada Puntland wax mushaar ah sedex bilood oo kala ah maajo, juunyo iyo luulyo.

Arintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay gabogabo tahay bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ayna heli jireen xaqul ciid. Waxaa kaloo fooda inagu soo haya 1 da agoosto.

Waxaa shaqaalaha ku habsatay dhibaato aad iyo aad u liidata oo dhaqaale. Kasoo qaad akhristoow nin xaas iyo caruur leh oo bil walba shaeeya oo hadana aan qaadan wax mushaar ah.

Ma u malaynaysaa akhristoow inay haysato Dr Gaas xaaladaas adag oo haysta shaqaalaha Dowlada Puntland. Mase ogyahay xanuunkay leedahay qof aan caruurtiisa iyo xaaskiisa ka farxin karin maalinta ciida.

Bal Dhagayso akhristow Jaamac Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ka shaqeysa mid ka mid ah wasaaradaha dowlada ayaa sheegey inaysan u adkaysan karin baahida mushahaar la,aan islamarkaana ugu baaqay masuuliyiinta dowlada Puntland inay wax ka qabtaan arrintan.

Halkan ka dhagayso cabashada Jaamac.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *