Garaad Jaamac oo ka hadlay tegida Garowe ee Garaad Saleebaan eedna dusha ka saaray garaadka “Dhagayso”

0

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Issimada Gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa ku sifeeyey socdaalka Garaad Saleemaan ku tegay caasimada Puntland ee Garowe mid isaga oo kaliya ku eg.

 

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa wuxuu dusha ka saaray Garaad Saleemaan eed inuu Garaadku wax ka ogaa Weerarkii Puntland horey ugu qaaday degmada Taleex waa sida uu Garaadku hadalka u dhigaye. Arintaasina ay horey dadka khaatumo shaki uga qabeen ku lug lahaanshiyaha Garaad Saleebaan, waa sida uu sheegey Garaad Jaamac.

Hadalka Garaad Jaamac ayaa imanaya xilli uu Xillibaan Cali Khaliif Galayr ku sugnaa maalmo magaalooyinka Bursaalax iyo Burtinle. Aana la ogayn waxa uu ka qabanayey iyo cida uu kula kulmay magaalooyinkaas

 

Hoos ka dhagayso waraysiga Garaad Jaamac

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *