Madasha siyaasadda Puntland: lama aqbali doono sharcina ma noqon doonaan Xibiyo uu Deni boob iyo sharcidarro ku saaro

21 May 2023 (Puntlandes) Madasha siyaasadda Puntland oo saartay war-mutiyeed ku saabsan musuqmaasuqa iyo marin habaabinta ku hareereysan doorshada hubaysaan ee uu wato madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madashu waxay caddaysay in aan la aqbali doonin oo aysan sharci noqon Xibiyo uu Deni boob iyo sharcidarro ku saaray.

Madashu waxay Isimada iyo waxgaradka Puntland ugu baaqday inay qaataan doorkoorkooda.

About The Author