Madaxweyne Xassan Sheekh oo Xil u magacaabay Gabar uu Qabo wiilkiisa

20 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Xilka Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ah Gabar uu Qabo wiilkiisa.

Booskaan ayuu wuxuu madaxweynuhu Oktoober 2022kii ugu magacaabay Cali Yaasiin Gurbe oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan, ku xigeenka uga dhigay Gabadhan uu Qabo wiilkiisu.

Ujeedada ugu weyn ee magacaabidaan ayaa ah Mashruuc 100-Milyan oo Doolar ah oo loo soo wado hay’adaan.

Hoos ka akhriso qoraalka magacaabista oo lagu soo qaray Bogga Hay’ada:

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Marwo Haawo Ahmed Hasan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka sidoo kale waxaa Marwo Suban Abdi Nur Gaas loomagacaabay Maareeye Kuxigeenka Guud ee Hay’ada Tayo dhawrka.

Dhammaan shaqaalaha Hay’ada Tayo-dhawrka soomaaliyeed waxa ay soo dhaweynayaan Maareeyahaya iyo Maareeye Kuxigeenka Hay’ada Tayo-dhawrka waxayna rajeynayaan in ay si dhaw ula shaqeeyaan si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda loo idmaday ee shaqo Loona xaqeejiyo gaarista yoolka Hay’adda iyo shaqada ay qaranka u hayso.

Halkaan hoosena ka akhriso magacaabistii Cali Yaasiin Gurbe:

About The Author