Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo kormeeray sida ay u socoto shaqada dhismaha iyo balaarinta dekadda Bosaso

30 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Dowladda Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Dekadda Bosaso oo Dhismihii iyo Horumarintii lagu balaarinayay ay meel wanaagsan marayso, Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo wuxuuna Warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha iyo Shirkadda dhismaha Dekadda gacanta ku haysa ee DP WORLD.

Dekadda ayaa lagu daraya 450m, oo Jenbiga koowaad yahay 150m dhererka, Halka balaca uu yahay 30m, shaqada jenbiga koowaad ayaa Hada la qabtay 70%. Waxaa shaqada laga qabanayo Dekadda ka mid ah in dayactir lagu sameeyo 215m oo ka mid ah Dekadii hore.

Sidoo kale waxaa Dekadda loo sameyn doonaa Qeybta Kunteenarada oo ah 4000 miter, qaboojiyaha Dekadda , Waddo gelid iyo Bixid ah iyo dhisme Dabaq ah oo guri saddex dabaq ah oo dhammaan hayadaha Dowladda ay kuwada shaqeyn doonaan.

Madaxweynuhu ayaa dhagax dhigay Wejiga koowaad ee balaarinta iyo Horumarinta Dekadda 24 January 2023, iyadoo ay maalgashanayso Shirkadda DP World.

About The Author