Muuqaal: Nuux Taani oo ku dhawaaqay dagaal ay Somaliland ku qaadayso Laascaanood

18 June 2023 (Puntlandes) Maamulka madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland ayaa shaaciyey in ay weerar ku soo qaadayaan Gobolka Sool, sida uu caddeeyey, Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Taani oo ka hadlayey munaasabad ciidan ku wajahan gobolka Sool ay tababar ugu xirayeen.

Gen Nuux Taani ayaa yiri “Haddaanu markii hore xarrago dagaallameynay, maanta waxaan leeyahay waa la is xiniyo taabanayaa, waxaanan leeyahay qolada Puntland labadeenna seefood waa tii saawir noqota”

About The Author