Madaxweyne Deni “Golaha Wadatashiga qayb kama nihin, namana quseeyaan waxa ka soo baxay”

18 May 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa shir lagu jihayn doono 2024-2029ka soconna doona saddex maalmood waxay diiradda ku saaraysaa Arimaha Siyaasadda & Hanaanka Dawlad dhiska, Arimaha Garsoorka & Horumarinta Cadaalad, Amaanka & Saraynta Sharciga, Horumarinta Waxsoosaarka iyo Kobcinta Dhaqaalaha, iyo Horumarinta Arimaha bulshadda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ayaa sheegay in go´aamadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga aysan qusayn Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay sheegay in aan Soomaaliya lagu maamuli karin go’aano aan waaqaci aheyn oo layska gaaro, kuwaas oo ay go’aamiyaan shaqsiyaad dano siyaasadeed kaleh.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u baahan tahay feejignaan, iyadoo xaalka lala akhrinayo daruufaha ka taagan Hareeraheeda, gaar ahaana isbedelada gobalka, Badda Cas iyo Isbedelada waa weyn ee siyaasada dunida kasocda.

Puntland ayuu tilmaamay in ay qaadatay siyaasada ah, in ay Midnimadeeda gudaha adkayso, ilaaliso kana shaqeyso sidii ay u heli lahayd isku filnaansho dhameystiran, ilaa inta ay Soomaalidu miyirqab iskugu imaanayso, lana diyaarinayo Istaraajiyad waarta oo ah doonista Puntland.

About The Author