Xukuumadda Puntland oo sheegtay inay doorashada waqtigeeda ay go’aamin doonaan guddiga Doorashooyinka Puntland ee ladhisi doono

24 June 2023 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in doorashadu ay ku dhacayso xiliga ay go’aamiyaan guddiga Doorashooyinka Puntland ee dhalan doona, sidaas oo kalena ay arrimahan ka hadli karaan ururada xisbiyada isku bedelaya marka ay Natiijada ku dhawaaqdo Maxkamadda Sare.

8da Janaayo 2024ka ayuu wasiirku sheegay in ay ka hadlaan dadka qabyaaladda ama Taraha wax ku raadinaya, wuxuu sheegay in ay baadiyaha xukunka u raadsadaan kooxahaas, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa yiri ”Dadka taraha doonaya ku hadla 8 January, ha ogaadeen in 24 sanno qabiil wax lagu soo dooranayey, war qabiilka waa laga gudbay oo qof iyo codba loo gudbay oo dadku madax ay soo doorteen oo lala xisaabtami karo baa loo gudbay , qofkii doonaya in qabiil lagu doorto baadiyaha iyo dhirta hoosteeda ha iska tago …Guddiga rasmiga ah ee Doorashooyinka ayaa xilliga la qabanayo doorashada diyaarin doona , xisbiyada siyaasadda ayaa tallada wax ku yeelan doona, qof bannaan jooga ah ee doorasho aan dooneynin ammaan Dalka ha ugu noolado , dadkana ha u oggaalado Dawlad ay iyagu soo doorteen oo ay la xisaabtami karaan.”

Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa u sheegay Khamiistii golihiisa Wasiiradda in sharciyadda doorashooyinka iyo ka hadalkooda ay ka hadli karaan cidi sharciyad u haysata oo kaliya.

About The Author