Xaaji Bakiin oo MD Deni umagacaabay Wasiirka Amniga Puntland

11 Okt  2023 (Puntlandes.com) Ibraahin Cartan oo ku magac-dheer ( Xaaji Bakiin ) ayaa Madaxwayne Deni u magacaabay wasiirka Amnigga Dowladda Puntland.

Magacaabista Xaajiga ee wasaaradda oo aan wax wasiir ah lahayn muddo sanad ka badan, (waxaa wasiirkii Galan xilka uu ka qaaday Deni september 2022kii), ayaa iftiiminaysa inuu Deni dagaal iyo qalalaase u diyaargaroobayo.

Hoos ka akhriso Xeer Madaxweynaha lagu magacaabay:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author