Khasaarihii dagaalkii SSC-Khaatumo & Somaliland, Taliyihi laga qabtay Somaliland…..

08 Nov 2023 (Puntlandes.com) Ciidamada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa maanta dagaalamay, iyadoo uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo gaadiid ciidan oo la kala qabsaday.

Ciidanka SSC-Khaatumo ayaa qabsaday baabuur dagaal iyo Maxaabiis katirsanaa dhinaca Somaliland, waxaana ku jira mid kamid ah Saraakiisha sare ee ciidanka Somaliland oo goobta dagaalka lagu qabtay, sida ay muujinayaan muuqaalo la baahiyey.

Sida uu sheegay maamulka SSC-Khaatumo Ciidamada Somaliland ayaa saaka weerar ku soo qaaday deegaan u dhaxeeya Buqdharkayn iyo Yeyle. Waxaana iska caabiyey oo khasaare ku gaarsiiyeen reer miyi.

Maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay bilowday duulaan ay shaati beeleed u soo galisay.

About The Author