Dhagayso: Madaxweynaha DFS oo cadeeyey mawqifkiisa Somaliland sheegayna inay Sool, Sanaag iyo Cayn ka tirsanaan doonaan Somaliland
27 jun.2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Villa WardhiigleeyXasan Sheekh ayaa ka sheegay xuskii 26 jun inaan la kala goyn doonin Gobolada waqooyi ee Ingiriisku gumaysan jiray ayna iyagoo mid ah la midoobi doonaan Koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo noqday nin geesi ah aana qarsan waxa isaga iyo Qabiilkiisu doonayaan intii uu xukunka la wareegay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay DFS xalindoonto dadka wax ka tirsanaya Somaliland ugu dambayna ay iyagoo mid ah oo hal maammul ah la midoobi doonaan Koonfurta Soomaaliya, CAJIIB.
Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland
Dhulka uu leeyahay madaxweyne Xasan waxay ka mid ahaan doonaan Somaliland waa Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ka tirsan dawlada Puntland.
Horay ayuu si cad ugu u sheegay madaxweyne Xasan uuna ku qortay wax uu ugu yeeray Dastuur in Gobolka Mudug ee Puntland laga xukumi doono Cadaado uuna ka jaray Puntland kuna daray maamulka uu tolkii u samaynayo hadalkan dambana wuxuu noqonayaa inuu Puntland ka jarayo Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo qorsheyey inay Puntland kusoo haraan labada gobol ee Nugaal iyo Bari, CAJIIB war ninku awoodbanaa!!!
Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh samaynayo waxaa mas’iiliyadeeda qaadaya madaxweynaha Puntland oo loo dootrtay una dhaartay ilaalinta midnimda dadeed iyo mida dhuleed ee Puntland.
Dhagayso Xasan Sheekh
Puntlandes.com