Ethiopian Airlines oo kudhawaaqday inay diyaaradahooda joojiyeen isticmaalka Hawada Soomaaliya

01 Mars  2024 (Puntlandes.com) Shirkada Diyaaradaha ee Dawladda Itoobiya ayaa kudhawaaqday in ay diyaaradahooda Qaarada Aasiya usocdaala, ay joojiyeen isticmaalka Hawada Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan ammaan aheyn Hawadu, maamulka Hawadana uu damaanad qaadi waayay badqabka rayidka, sidaas oo kalena falkii sababi gaaray isku dhaca labo duulimaad oo ay midood lahaayeen ayay sheegen in aysan Soomaaliya waxba ka qaban.

Mareeyaha guud ee Ethiopian Airlines Mesfin Tase ayaa warkan u sheegay BBC-da qeybta ENGLISH-ka, wuxuu sheegay in ay u wareegeen Hawada dalka Jabuuti oo ay bilaabeen isticmaalkooda.

DFS ayaa inkirtay dhacdada labo diyaaradood oo isku dhici gaaray oo ay qireen dalalkii lahaa diyaaradaha, taas oo dawladnimada Soomaaliya dhaawac ku ah.

In Itoobiya ku dhawaawdo in Hawada Soomaaliya amaan aheyn, haddana duulimaadyadeedu tagaan gudaha magaalooyinka Soomaaliya, ayaa ah arrin jawaab uga baahan dawladda Soomaaliya, oo u muuqata in ay xeerinayso wax aan la aqoonin.

About The Author