Dhegeyso-Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo ka waramay halka ay marayaan dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dowlada iyo Gen.Muxyadiin

27 jun.2015  (Puntlandes) Wafdi uu hor-kacayo Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo ka tirsan Isimada gobolka Nugaal ayaa shalay u amabaxay deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo ciidamo uu u taliyo Jen. Muxaydiin oo horay u ahaa taliye ku-xigeenkii booliska.

Ujeedka wafdigaan waxaa lugu sheegay inay tahay soo afjarida khilafka ka dhaxeeya jeneraalka gadoodka ah iyo xukuumadda madaxweyne Gaas,taaso lugu sheegay inay ka dhalatay ciidamada oo waayay xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda,sida horay waxaa uu sheegay Jen. Muxaydiin.

Suldaanka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey deegaanka qarxis ee Gobalka nugaal waxaana ay halkaas kula kulmeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo ay kala hadleen sidii ay ugala qayb-qaadan lahaayeen xalinta khilaafkaasi.

Suldaanka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa saaka bilaabay howlohooda dhexdhexaadinta ah waxaana ay kulamo kala gooni gooni ah la qaateen Gen.Muxyadiin iyo dhinac dowladda oo ay kala hadleen sidii arinta xal looga gaari lahaa sida warsidaha Raxanreeb u sheegay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdulaahi Ciise ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu guulaysto wadahadalada labada dhinac sida lagu yaqaano dowlada iyo shacabka Puntland oo caado u leh in ay arimaha noocaan oo kale ay wadahadal lagu dhameeyo ilaa iyo hadana xog rasmi ah lagama helin waxyaabaha ka soo baxay wadahadalada labada dhinac sidookale qaar kamid ah wafdiga suldaanka oo aan la xariirnay ayaa noosheegay in haataan ay meel wanaagsan wax u marayaan ayna rajo fiican qabaan.

Maalma ka hor magaalad Garoowe waxaa looga dhawaaqay guddi ka kooban labaatan iyo shan xubnood oo loo xilsaaray dajinta xiisada u dhaxeysa ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal.

Jen. Muxaydiin oo hoggaaminaya ciidanka gadoodsan ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay wada-xaajood kasta oo lugu xallinayo khilafka iyo tabashada kala dhaxeysa dowlada Puntland.

Warbaahinta ayaa aad u hadalhaysay xaaladda ka taagan gobolka Nugaal oo hadda ah mid degan oo u diga rogatay wada-hadal iyo in wax walba lugu dhammeeyo nabad ku soo dabaalid.

Ugu dambeyntii,waxaa aad looga cabsanayay dagaallo dhex mara ciidamada is horfadhiya,balse Waxgaradka deegaannada Puntland ayaa qaadey tallaabooyin ay kaga hortagayaan dagaallo ka dhaca deegaankaas,kuwaaso loo arko inay wax u dhimi karaan sumacadda ciidamada dowladda Puntland.

Halkaan ka dhegeyso waraysiga gudoomiyaha gobalka nugaal oo u waramay wariye jaamac cabdiraxmaan axmed.

Xigasho Eaxanreeb

Puntlandes.com

 

About The Author