Beesha Caalamka oo dhabarka u jeedisay DFS Xasan Sheekh

157e

27 jun 2015 (Puntlandes) Tan dabayaaqadii sanadkii hore markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabay abaabulka Mooshin uu ku ridayo Raysul Wassarihii hore ee DFS Cabdiwali Sheekh ayaa waxaa soo baxayey sida aysan Beesha Caalamka ugu qanacsanayd hogaaminta Madxaweynaha DFS Xassan Sheekh.

Wadamada aadka u daneeynayey Soomaaliya oo quusta ka istaagay ayaa waxaa ugu horeeya Dowladaha Mareykanka iyo Britain oo la garab taagnaa DFS taageero dhan walba ah.

Dawlada Maraykanka oo Safiir usoo magacaabatay Soomaaliya muddo 25 sano kadib laba bilood kadib ayey dib ula noqotay magacaabidaas kadib markii ay aragatay meesha uu xasan Sheekh ku hogaaminayo Soomaaliya oo ah dagaal sokeeye oo hor leh.

Waxaa yaraaday taageeradii Siyaasadeed, dhaqaale iyo ee ay siin jirtay Beesha Caalamka, iyagoo joojiyey dhaqalihii ay ku taageeri jireen DFS. Waxaana istaagay xiriirkii Madaxweyne Xassan kala dhexeysay Beesha Caalamka. Arrimahani waxayna muujinayaan fashilka ku yimid DFS ta Xasan Sheekh.

Isku soo wada duuboo madaxweyne Xasan ayaa Ciil iyo waxa uu isagu isbaday waxa uu la fadhiyaa Villa wardhiigleey oo ah hoyga uu ka degen yahay magaalada Xamar.
Puntlandes.com

About The Author