Sawirro: Beesha Reer Khalaf oo Raaligelin iyo Xaalmarin ugu tagtay Islaan Bashiir

29 Apr 2024 (Puntlandes.com) Beesha Reer Khalaf Faarax ee Cumar maxamuud ayaa waxay ugu tagtay Islaanka Beesha Cumar maxamuud Islaan bashiir Islaan Cabdile Islaan Faarax Raaligelin iyo Xaal siin iyadoo ka raaligelisay goaankii qaldanaa ee ay soo saareen qaar ka mid ah Isimada Beesha Cumar Caxamuud.

Islaanka ayaa waxa gurigiisa ugu tagey haldoorkii Beesha Reer Khalaf oo iskugu jira Nabadoono, Waxgarad, Siyaasiyiin, masuuliyiin, Culumo iyo Aqoonyahan.

Shalay ayaa waxaa Waraaq soo saaray qaar ka mid ah Isimada Beesha Cumar Maxamuud kuwaas oo sheegay inay kala noqdeen gudoonkii Isinka CM midaas oo aan ahayn mid ay awood u leeyiihiin.

About The Author