Sawirro: Wasaaradda Maaliyadda Puntland & Hay’ada UNOPS oo Garowe kulan ku yeeshay

02 May 2024 (Puntlandes.com) Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Saraakiisha Dakhliga ayaa xarunta dakhliga ku qaabilay Mas’uulyiin ka socday Hay’ada UNOPS oo ka yimi magaalada Nayrobi.

Waftiga imashahooda Puntland gaar ahaan xarunta dakhliga ayaa qayb ka ah wada shaqaynta labada dhinac Hay’ada iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Mas’uuliyiinta ka codsaday in gacan laga siiyo sidii ay Wasaaradda Maaliyadda uga caawin lahaayeen cashuurista mashaariicda ay bixiyaan kuna guulaystaan sharkadaha Soomaaliyeed iuo kuwa ajaabiinta ee ka hawl gala Puntland.

Mas’uulyiinta hay’ada UNOPS ayaa dhankooda balan qaaday in Wasaaradda Maaliyadda kala shaqayn doonaan cashuurista mashaariicda Socda ee ay wadaan iyo kuwa imaan doona wada shaqayn dhowna la yeelan doonaan.

Ugu Dambayn kulankan ayaa laysku afgartay dhammaan wax yaabihii looga wada hadlay labada dhinac.

About The Author