Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka oo kulan la qaatay Hay’addaha kashaqeeya Arimaha Bini aadanimada ee ka hawlgala Gobolka Mudug

07 May 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali (Jifo Jabsade) ayaa maanta shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Hay’addaha kashaqeeya Arimaha Bini aadanimada ee ka hawlgala Gobolka Mudug isugu jira kuwa UNka iyo NGO yada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Degmada Xarfo shirkaas oo looga wada hadlay fatahaadii todobaadkaan ka dhacday Degsiimada Balibusle iyo Buubi ee Degmada Jiriiban iyo Xarunta Degmada Xarfo deegaamadaas oo dhamaantood ay fathaadu wax yeelaysay sababtayna barakac dad danyar ah oo waxay haysteen daadadku la tageen waxaa kaloo waxyeelo soo gaartay Guryihii ay daganaayeen, Suuliyaashii oo ku darmaday biyaha iyo qabuurihii oo ayaguna daadku qaaday meelaha qaarkood Baraago iyo Beero ayaa daadku burburiyay.

Siddoo kale waxaa wax la iska waydiiyay sidii looga diyaar garoobi lahaa in tanoo kale ay soo noqoto biyaha hadda fadhiyana looga saari lahaa deegaamada ay ku hareen.

Ugu dambayn waxaa la isla qaatay in si deg deg ah looga jawaabo deegaanadaasna la gaarsiiyo wixii loo helo karo si dhakhso ah iyo in la sameeyo daraasad io sahan lagu xaqiijinayo baaxada khasaaraha daadadku gaysteen.

About The Author