Muuqaal: MD Muse Bixi shacabka ayaa xukumi doona ninkii u xiiray, kii uhoolhoolay, kii hagardaameeyey & kii uhagar baxay

09 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland ahna murrashaa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo ka qaybgalay shirkii guddida fulinta ee xisbiga ayaa sheegay sida uu ugu rajo wayn yahay inuu ku guulaysto doorashada loo madlan yahay 13ka nocember 2024.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri “Xisbi walba sidii uu u dhaqmay shacabka ayaa xukumi doona, ninkii u xiiray, kii u hool-hoolay, kii hagardaameeyey iyo kii u hagar baxay shacabka ayaa qiimayn doona, KULMIYE-na waxa uu ku kalsoon yahay intii uu xukunka hayey ee 2010-kii ilaa iyo maanta inuu ku guulaysan doono doorashan iyo ta soo socotaba”

“KULMIYE yaa ku dherersan kara, waa kuma xisbiga leh waan soo halgamay oo xorriyaddii baan wax ku lahaa, wa ayo xisbiga odhan kara dhibaatooyinkii dhacay baan difaac ka galay lugtaan jiiday mooyaane,….”

About The Author