Muuqaal: Wasiir Fiqi Garaad “Shirwac Ra´iisul wasaarada ayaa la balamay waxaa loo dirayaa Gobalka Mudug”

09 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiir Arimaha didda DFS Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay munaasabad soo dhaweyn ah oo magaalada Nairobi loogu sameeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid Isimada Beelaha Cumar Maxamuud ee dhawaan soo saaray qoraal ay uga horjeedaan Isinka guud ee Beesha Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax u diri doonaan gobolka Mudug si uu u fuliyo hawlo ay rabto DFS.

Wasiir Fiqi ayaa yiri ”Garaad Shirwac Ra´iisul wasaarada ayaa la balamay waxaa loo dirayaa Gobalka Mudug”

Waxaan qarsoodi ahayn in maamulka Xasan Sheekh uu abaabulayo hagardaamooyin ka dhan ah Puntland iyo shacabkeeda.

About The Author