Dhagayso: Qaramada Midoobay oo ka hadshay dalabka DFS ee in albaabada la iskugu dhufto xafiiskeeda siyaasadda Somalia ee loo yaqaan UNSOM

10 May 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Qaramada Midoobay ku dalbatay in albaabada la iskugu laabo xafiiskeeda siyaasadda ee Soomaaliya ee loo yaqaan UNSOM.

Waxaa socotay aragti ka dhalatay in dib u qiimayn lagu sameeyay Xaafiiska UNSOM, taasoo oranaysay in loo badalo Ergada Qaramada Modoobey ee Somaliya.

Ilaa iyo hada dooda aragtidaas, way socotaa, waxaana dhici karta in UNSOM la xiro loona guuro Xaafiiska cusub ee Ergada QM ee Somaliya ama (UN COUNTRY TEAM).

Ergaygii ugu horeeyay ee QM ay usoo dirto Somaliya,wuxuu yimid Wadanka April 1992, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sahnuuni,iyadoo uu xiligaas ahaa Xoghayaha guud ee QM Burtuskhali.

Tan iyo xiligaas,waxaa Somaliya ka hawlgalay 17-ergay oo ka kala yimid Afrika, Maraykanka iyo Yurub.

Dhagayso af-hayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo Idaacadda VOA Somalia ay waraysatay

About The Author