Muuqaal: MD Xasan Sheekh “dawlad hebel maxay tiri, ma loo sheegay dal hebel meel aan iska dhigno, dawladdo badan baa nagu nici doona…”

10 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa khubadiisi Jimcaha ee maanta wuxuu ku dheeraday kadalka mucaaradkiisa, khilaafka maamul goboleedyada, dhamaystir Dastuur bedelka uu waday iyo sida uu u arko baaqa beesha caalamka ee dawlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa yri “Xasan Sheekh dawlad hebel maxay tiri, ma loo sheegay dal hebel meel aan iska dhigno, dawladdo badan baa nagu nici doona, dad badan aa nagu nici doona, laakiin wax fiican ma leh in maslaxadaada lagugu naco”

Madaxweynuhu kama hadlin fadeexadaha maamulkiisa hareeyey sida Dhul Boobka uu ka wado Muqdushi, Boobka Raashinka Ciidanka iyo ku takrifalka dawladnimada ee isaga, qoyskiisa iyo saaxiibadiis, ee wuu hadlay sidii caadadiis ahayd loo joojin maayo cidna.

About The Author