Daawo Video: Xasan Shiikh oo GAAS uga digay inuu wax ay DAUL JADIID rabto maahee wax kale ka hadlo!!

19 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynha DFS Xasan Shiikh oo maanta furay Shirkii Xamar uga Furmay Kooxda DAMUL JADIID iyo saaxiibadood ayaa wuxuu u digay madaxweynah Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS inusan ka hadlin Qorshe aysan wadan Kooxda DAUL JADIID.

Xasan Shiikh waxa uu si cad GAAS ugu sheegay inuusan soo qaaadi karin ama uusan ka hadli karin wax aysan doonayn Kooxda DAMUL JADIID, kuwaasoo ay ka mid yihiin Dastuurkii la tuuray, Maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug iyo kuwo kale oo badan.

Xasan Shiikh ayaa ku yiri GAAS “Ha niyad jabin dadka niyad wanaaga halkan ku yimid” waxaana kaa codsanayaa inaan ka gudubno wixii aad tabanayso.

Maxadweyne Gaas ayaa waxa laga sugayaa inuu isagoo faraxsan qaato talada madaxweynihiisa Xasan Shiikh uu siiyey isagoo meel isaga tuuri doona rabitaanka shacabka Puntland ee u doortay inuu danahooda ilaaliyo.

ugu dambayntii Xasan Shiikh ayaa wuxuu uga digay Gaas inuusan Waqti ku lumin isqabsi isagoo dhinaca kale soo qaaday sadexdii sano ee uu ummadda Soomaaliyeed ka dhumiyey.

Daawo oo ka bilow Daqiiqada 14:20

Puntlandes.com

About The Author