Sawiro: Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Saaka Booqday Xaafadda Baraxley

5 Dec 2015 (Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, madaxweyna Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale ayaa saaka booqday xaafadda Baraxley ee magaalada Galkacyo.

Booqashada waftigaani ballaaran ee xaafadda Baraxley ayaa salka ku haysa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Galkacyo iyo in lahubiyo sida ay u dhaqan gelinayaan labada dhinac xabad joojintii dhowaan kadhacday magaalada Galkacyo.

Dowladda Puntland ayaa shalay shaacisay inay ka go’antahay fulinta xabad joojintii dhowaan lagu gaarey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Galkacyo, waxaana hada magaalada Galkacyo laga dareemayaa ammaan buuxa.

FIVE-STAR-PUNTLANDNEW-5 FIVE-STAR-PUNTLANDNEW-8 FIVE-STAR-PUNTLANDNEW-9

About The Author