Xasan Sheekh oo la kulmay Arrimo Fuliyaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta garoonka diyaaradaga ee magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, isal markaana iskaashi dhow u dhex mari lahaa labada dal.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

Xasan Sheekh iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in dawlaada Maraykanku ay Safiir usoo magacawday sanadkan bilowgiisii kadibna ay shaacisay inay din ula noqotay Safiirkaas, ayna dib usoo magacaabi doonto Safiir kale. Meeshii laga sugayey Safiir ayey soo magacawday wax ay ugu yeerat arrimo Fuliye.

unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)

About The Author