Dhagayso-Daawo: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka Maanta u gudbiyey Miisaaniyadda 2016ka

7 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta u gudbiyey Baarlamaanka Puntland Miisaaniyadda dawladda Puntland ee 2016ka, isagoona ka hor akhriyey Baarlamaanka  miisaaniyada dowladda lixdii bilood dambe ee sanadkan.

173d1

Wasiir Cabdullaahi ayaa sheegay ku tala galka miisaaniyada lixda bilood ee damba inay dhan tahay 4,111,667 $ bishiiba, islamarkaan isugu gaynta lixda bilood ay tahay 24,670,000,2 $.

Wasiir Cabdulaahi ayaa xusay in miisaaniyada sanaka 2015 lixdii bilood ee dambe uu cel celis ahaan dhan yahay 4,84000 $,wasiirka ayaa sheegay in lixdii bilood ee dambe sanadkan hal ku dhig looga dhigay muhiimadsiinta mushaharooyinka shaqaalaha,Ciidanka,raashinka ciidanka iyo howl socodsiinta dowladda.

Wasiir Cabdullaahi ayaa waxa uu intaas ku daray in Wasaaradiisu ku guulaysatay in Hay’ad walba hesho mushahaarkeeda bil walba, laakiin waxaa uu Cadeeyey in bishii ugu dambaysay lixda bilood ay hakad galisay mushahar bixinta dabaylihii ka dhacay xeebaha Puntland iyo xaalada Gaalkacyo oo kharash baaxad leh lagu bixiyey..

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay in Dakhligu uu kordhay, ayna tahay meelaha koroku ku yimid Wasaaradaha Kalluumaysiga, Duulista Hawada iyo Warfaafinta, isagoo sheegay in korarka dakhligu uu gaarayo lacag dhan  688,333$ iyadoo uu dakhliga gudahu uu noqonayo bishii 4.800,000$.

Dhagayso Wasiirka


Puntlandes.com

About The Author