Madax Hor Leh oo Saaka laga Sugayo Magaalada Boossaso

Magaalada Boossaso ee xarunta ganacsiga Dawlada puntland ayaa asbuucii u danbeeyay waxaa kusii qulqulayay siyaasiin soomaaliyeed oo dalka xilal horay uga soo qabtay, ganacsato, aqoonyahano, qurbe joog , gollayaasha dawlada puntland iyo ajaaniib.

maanta oo khamiis ah waxaa magaalada boossaso kusoo wajahan qeybihii ugu danbeeyay ee katirsan wafuuda ka qaybgalaysa munaasabada furitaanka garoonka caalamiga ah ee Boossaso.

Wafdiga maanta boossaso kusoo wajahan waxaa kamid ah wafdi uu hugaaminayo madaxweynaha Soomaliya mudane Xassan shiikh Maxamuud iyo wafdi kale ee uu hogaaminaya Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Maamulka Cadaado mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

isku soo wada duuboo ilaa hada qorshaha munaasabada furitaanka garoonka Caalamiga ah ee Boossaso sidii qorshuhu ahaa ayuu kusocdaa waxa la sugaana waa maalinta barito ee Jimcaha ah iyo munaasaba

isha kuhay Puntlandes.com

About The Author