WAR DEG DEG AH: WAA KUMA SHAKHSIGA LOOGU MAGACDARI DOONO GAROONKA CAALAMIGA AH EE MAGAALADA BOSSAASO

War hada kusoo dhacay warqabadka Warbaahinta Madaxa banaan ee Puntlandes.com ayaa sheegaya in magac u bixinta Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Boossaso oo ay maalmihii u danbeeyay khilaaf hoose oo ba’ani ka taagnaa go’aan kama danbays ah laga gaaray layskuna raacay shakhsiga loogu magacdarayo Garoonka, waxaana lagu dhawaaqi doonaa xilliga xariga laga jarayo.
Sida aanu ku helnay Xog rasmi ah oo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaartay masuul kamid ah dadka ka agdhaw madaxtooyada Puntland ayaa noo xaqiijiyay in Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Bossaaso loogu magacdari doono Allaha Unaxariistee Madaxweynihii iyo Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.C/rashiid Cali Sharmaake.
Maalmihii udanbeeyay ayaa waxaa miiska saarnaa shakhsiyaad sharaf iyo sumcad weyn kuleh Deegaanada Puntland iyo Guud ahaanba Soomaaliya kuwaas oo isagu jira Isimo, Saraakiil Ciidan iyo Madax Dalka Xillal sar sar sare kasoo qabtay wallow ay saacadihii ugu danbeeyay Miiska saarnaayeen Shan Magac oo isagu Jira magacyada Saddex qof iyo Labo Magac oo Deegaan ah Waxayna kala ahaayeen:-
1- Dr. C/rashiid Cali Sharmaake
2- Ugaas Yaasiin
3- Khaliif Shiikh Maxamuud
4- Boossaso International Aeroport
5- Bandarqasim International Aeroport
Isku soo wada duuboo Waxaa nasiib u yeeshay in garoonka caalamiga ah ee Bossaso loogu magacdaro Madaxweynihii iyo Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Dr. C/rashiid Cali sharmaake oo ah shakhsi taariikh weyn kuleh Ummada Soomaaliyeed iyo guud ahaanba qaarada Africa, wuxuuna magaca Garoonku noqon doonaa “SHARMAAKE INTERNATIONAL AEROPORT”.

About The Author