TOOS BOOSSASO + SAWIRO : Xafladii Furitaanka Garoonka Caalamiga ah Ee Boossaso oo Hada Bilaabatay

Waxaa Daqiiqado Kahor hoolka shirarka  Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Boossaso kabilaabatay Munaasab si weyn looso agaasimay oo xariga looga jarayo garoonka Boossaaso, waxaana ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ka kala timid gudaha dalka Soomaaliya iyo daafaha Caalamka.

Marti sharafta madasha fadhida saaka oo jimce ah waxaa kamid ah Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Gaas iyo dhamaan gollayaasha Dawlada Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole, Boqorka beelaha Darood Boqor Burhaan, Madaxda shirkadii dhistay garoonka, labada Safiir ee Dawladaha Talyaaniga iyo China u fadhiya Soomaaliya, Siyaasiyiin Horay xillal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya oo ay kamid yihiin cali maxamed geedi, Salaad Cali Jeele iyo C/wali shiikh Axmed, Amiir Maxamuud xaaji yusuf Ciise, qeybaha kala gadisan ee bulshada rayidka ah ee puntland iyo qurbe joog katimid dalalka dibadaha.

isku soo wada duuboo munaasabada ayaa ku bilaabatay jawi dagan waxaana hada lagu furay ayaadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyay mid kamid ah culimada Puntland.

isha kuhay Puntlandes.com

XOG4

XOG1

XOG3

XOG5

XOG2

isimo

XOG8

culimo

dumar

dad

About The Author