WAR DEG DEG AH : Khudbadihii oo bilowday iyo Masuuliyiin kahadlay Munaasabada furitaanka garaoonka caalamiga ah ee boossaso

Waxaa haatan si habsami leh uga socota hoolka shirarka garoonka Caalamiga ah ee Boossaso munaasaba furitaanka garoonka, khudbadii wa ay bilowdeen ilaa hadana waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu  kamid yahay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid, Gudoomiyaha Gobalka Bari Mr Dhado iyo ajaaniib.

Munaasabada ayaa usocota sidii loogu talo galay waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga garoonka, dhamaan kasoo qayb galayaasha ayaa isagu hambalyaynaya taaba galka garoonka Taariikhiga ah ee ay Puntland yelanayso 17 sano kadib.

Waxaa intaaas sii dheer in ay maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Janaayo 2016 ay labo sano jirsatay Dawlada uu hogaaminayo Dr C/wali Maxamed Cali Gaas taas oo Puntland uga dhigan labo munaasabadood.

Puntlandes.com

Boossaso

About The Author