Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo Cali Xaaji Warsame u Jawaabay

189-9

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali gaas oo Subaxnimadii hore ee Saaka ka dhoofay Garoonka Caalamiga ah ee Boossaso isagoo Kusii jeeday Muqdisho si uu uga qaybgalo Madasha wadatashiga heer Qaran ee Go’aanka looga gaarayo nooca Doorasho ee Dalku Wajahayo Sanadka 2016, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay geybta nasashada Garoonka wax yar kahor inta uusan u duulin Muqdisho wuxuu sheegay in ay Shirka Muqdisho geyn doonaan Fikirka iyo Aragtida Shacabka Ree Puntland, Wuxuuna Madaxweynuhu Shacabka Ree Puntland uga Digay Hadalo Maalmihii udanbeeyay ay ku hadaaqayeen Siyaasiin horay ugu fashilmay Siyaasada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri ” Waxaan uga digayaa shacabka ree Puntland in ay dhagaystaan Hadalo ay maalmihii udanbeeyay lawareegayeen Siyaasiyiin horay ugu Fashilmay Siyaasada, waxaana usheegaynayaa shacabka in ay Ku kalsoonaadaan Dawladooda”.

192-6

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili asbuucii hore uu Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo lahadlay saxafada sheegay in Dawaladaha Jubbaland iyo Puntland ay Qaateen Nidaamka 4.5ka oo ay gabi ahaanba kasoo horjeedaan labada Shacab ee Deegaamadaas.

Waaxda Falanqaynta iyo gorfaynta Wararka ee Warbaahinta Madaxa Banaan ee Puntlandes.com ayaa ogaatay in hadalka Madaxweyne Gaas uu Jawaab rasmi ah uyahay hadalkii Dhawaan Kasoo yeeray Siyaasi Cali Xaaji warsame oo horay usoo noqday wasiirka Waxbarashada Puntland, Isku soo wadaduuboo waxa larki doonaa halka ay wax ku danbeeyaan.

Dhagayso madaxweyne Gaas

Puntlandes.com

Bossaaso

About The Author