Dhagayso: Jawaabta Puntland ee Qaybsigii Garoonka ee Qaybdiid soo jeediyey

Axad 28 ka September 2014: Hogaamiye Cabdi Qaybdiid ayaa ku dalbaday labadan qodob  ee hoose mar uu ka hadlayey Garoonka Abdulahi Yusuf Airport ee Puntland

  • In Qarabkii lahaa Garoonka Abdulahi Yusuf airport dib loogu celiyaa
  • In aanu qaybsano aniga iyo Puntland maamul ahaan iyo dhaqaalo ahaanda Abdulahi Yusuf airport

Hadaba waxaa u jawaabay Wasiirka warfaafinta Puntland C/Wali Xirsi Idhoguran oo isna waraysi siiyey VOA somali.

Wuxuuu yiri Wasiirku ”garoonku wxuuu ku yaalaa kana tirsan yahay dhulka Puntland, wuxuuna la mid yahay kan Bosaso” Mar uu ka hadlayey Qaynsiga Qaybdiid soo jeediyey wuxuu yiri Wasiirku ” Waligeed Puntland ayaa xukuntay cid la xukuntana ma jirin hadana sidaasuu ahaanayaa…. Garoonkuna wuxuu la mid yahay kan Bosaso 100% maamulkeeda waxaa leh Puntland”

Wasiirka oo hadlay colaada Qaybdiid ka hurinayo Gobolka Mudug ee Puntland wuxuu yiri ” Isagaa intaa dhaar iyo hanjabaad.. hurinayeyna colaad da´dka uu dhexdhigo

 

Halkan ka dhagayso waysiga ay VOA la yeelatay Wasiirka

Puntlandes.com

About The Author