Maqaal/Faallo: Odaygii Aaranjaan & Inqilaabkii Arooryo ee Caasumadda Puntland Garowe

27 feb 2017 (Puntlandes) Horay baa loo yiri “Nina Shaqadiis kama tago” maah-maah kale ayaa iyana waxay tiri ”Nin hadaad marada kasoo rogtaa waa isla kii”  walaaloow ileen Faroole wali waa Faroole lihiisii.

234-2a

Ma ahayn wax ku cusub Puntland in Faroole Ciidan ku weeraro Baarlamaanka Puntland oo ummadda u shaqaynaya, ee waa tii horay u dhacday xiligii AUN uu madaxweynaha ka ahaa Puntland Madaxweyne Gen Cadde Muuse Xirsi.

Sidaas darteed Odayga Aaranjaan Ceeb kuma ahee waa Caadadii inuu Qas ka abuuro ummadda Puntland dawladooda.

maxamed-faroole1

Maah-maah kale ayaa waxay leedahay “Odaygii indho la’aanta lagu ogaa dad cunimo ayuu ku darsaday” oo aanu uga jeedno awal Faroole ayaanu ogayne mid asaga baro dheer ayuu Dhalay (Wiilka faroole Maxamed), waa meeshii laga yiri “Ratiga hore Ratiga dambe saanqaadkiisa ayuu leeyahay” mar kalena ay leedahay “Geedba dheecaankiisa ayuu dhalaa”.

Faroole waxaa Beeshiisu usoo xushay Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, waxaana la filayey inuu ummadda Soomaalyeed Oday u noqdo una adeego, iyadoo inta samaha jecel ay malaynayeen in Puntland ka Buskootay dhibtii Odayga.

Laaakiin waxay hawshiisii noqotay maah-maah carabi ah oo ahayd “Maxamed Cali Maa Yakhali Meheratuhu” oo macneheedu yahay “Maxamed cali Marna Shaqadiisa kama tanasulo” Odayga Aaranjaan ee Faroole na kama tanasulo Qaska iyo inuu weeraro Baarlamaanka Puntland oo subax gudanaya waajibaadyadii loo igmaday.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inay Puntland 19 jirsatay oo aan shaqsi iyo shaqsiyaad isku bahaystay xumaanta Puntland aysan waxba ka qaadi Karin kuna hungoobayaan damacooda xun ee liita.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadweynaha reer Puntland ee sharafta leh, gaar haan shacabka reer Garowe oo isaga qabtay Hangoolka Xoogga badan ee ganaha leh isaga qabtay Falkii Foosha xumaa ee la isugu dayey in midnimada Puntland lagu waxyeeleeyo, ogolaana wax carqaladeeya dawladooda ay kusoo tiir iyo tacab beeleen kana hor yimid falkii Foosha xumaa ee ay dabada ka riixayeen Qaran Dumiska Aaranjaan iyo Odaygooda (Geedi Baaboow)

234-2a1

Waxaa la yiri “nin tiisa daryeelaa tu kale ku dara” Horjoogaha Aaranjaan Cabdiraxmaan Faroole haddii uu talo hayo Gurigiisa ama Qayskiisa dayacan buu ku daryeeli lahaa waa meeshii laga yiri “Biyo haday wax tarayaan Rah baa Futo uga soo bixi lahayde” Faroole haddii uu wanaag kusoo saa’idinayo Puntland reerkiisa ayaa laga arki lahaa, intii dhimatay Allaha u naxariisto.

Oday Faroole waxaan kula talinaynaa ka fariiso dadka iyo dalka, shidadana adigu iska daa ha is shidayn baanu ku leenahay ileen Puntland ma shidayn kartide.

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

Puntlandes.com

About The Author